Cultivate Learning's Podcast Channel

Horumar Podcast Trailer

April 06, 2022 Cultivate Learning Episode 0

Babdaado, Isdaryeel, Iyo Horumar Podcast
Barnaamijkan wuxuu siin doona macluumaad muhiim u ah bixiyeyaasha somalida ee la shaqeeya caruurta iyo professionalska ku hadla af soomaali. Barnaamijkan wuxuu kaga hadli doonaa dhaawacyadeena iyo sidii loo bilabi laha sida in la bogsado. Waxaan rajaynaynaa barnaaij kaan inu caawiya bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan rabnaa inaan barnaamij kaan nogodo mid si fudud loo heli karo si looga faaiido.Ujeedooyinka waxbarashada:

  • Ujeedada #1: Midka ugu horeeya waa inaan fahanno dawaacyadaa iyo walbahaarka ku dhaca dadka la shaqeey caruurta, inay wax wayn u yeli karaan horumarka caruurta iyo xirrikooda.
  • Ujeedada #2: Midka labaad, waa inaan fahanno waxay bulshada Soomaaliyeed soo wada mareen iyo dhaawacyada soo gaaray markay somalia ka soo qaxeen.
  • Ujeedada #3: Midka sadexaad waa inaan ka wada hadalno adkaysiga iyo xoogga ee bulshada Soomaaliyeed leeyihiin iyo inaan fahanno is daryeelka inuu muhiim u yahay caafimaadka maskaxda. Waxaan kaloo rabnaa inaan siino xeelado macalimiinta iyo bixiyeyaasha la shaqeeya dadka soomaaliyeed ee soo maray xanuun iyo dhaawac.

Digniinta nuxurka: Fadlan ogow in podcast-kani uu leeyahay mawduucyo ku saabsan dhaawacyada, caafimaadka maskaxda, iyo adkeysiga, taas oo kicinaysa qaar. Markaa fadlan, dhegayso tilmaamaha jidhkaaga, qaado nasasho oo isticmaal xeeladaha is-xakamaynta. Ha ka waaban inaad caawimaad weydiisato, ma jiro arrin aad u weyn ama aad u yar. Had iyo jeer waxaad la xidhiidhi kartaa Khadka Nolosha ee Ka Hortagga Is-dilka Qaranka 800-273-8255 taageero. Waxay diyaar u noqon doonaan inay kula hadlaan oo ay kugu xidhaan ilaha caafimaadka dhimirka ee deegaanka.